Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Sii Hayaha Safaaradda Jabuuti (SAWIRRO)

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Sii-hayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Somaliya, Maxamed Ibraahim Yuusuf oo booqasho ugu yimid.

War qoraala oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Sii-hayaha Safaaradda Jabuuti uu Wasiirka ugu hambalyeeyay xilkan, oo loo magacaabay 20-kii bishii November.

“Sii-hayaha Safaaradda Jabuuti ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta wanaagsan ee loo sameeyay, isagoo ugu hambalyeeyay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda xilka loo magacaabay. Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa bogaadiyay xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah ee Jabuuti kala dhaxeeya Somaliya.” Ayaa warka lagu sheegay.

Warka ayaa lagu yiri “Kulanka ayaa diiradda lagu saaray, sidii loo wanaajin lahaa iskaashiga labada dhinac oo dan u ah labada dhinacba iyo sidoo kale waqtiga Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya (AMISOM) oo ku eg 31-ka bishan December.”

Militariga Jabuuti oo qayb ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa ka hawlgala Gobolka Hiiraan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com