Wasiir Cabdisaciid oo Taliyaha AMISOM kala hadlay shaqadooda oo ku eg 31-ka bishan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta xafiiskiisa ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, General Diomede Ndegeya.

Wasiirka ayaa Taliyaha Hawlgalka AMISOM kala hadlay shaqadooda oo ku eg 31-ka bishan iyo hirgelinta xilliga kala guurka.

“Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa kala hadlay shaqada AMISOM oo ku eg 31-ka December iyo sidoo kale hirgelinta qorshaha kala guurka ee Somaliya.” Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa la fillayaa in uu muddada u kordhiyo Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Somaliya.

Golaha Ammaanka ayaa bishii May sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay masuuliyadda amniga dalka ay AMISOM kala wareegi doonaan sanadka 2023.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com