Askar maanta la horkeenay Maxkamadda Militariga (SAWIRRO)

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Qaybta 60aad ayaa maanta la horkeenay afar askari, iyadoo dhinaca kalena xukuno ku riday.

Dhageysiga Maxkamadda oo ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa lagu horkeenay afartaasi askari oo ka tirsan Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Askartan ayaa lagu kala magacaabaa Dable Xoogga, Cali Aadan Isxaaq, Dable Cabdullaahi Maxamed Maxamuud, Dable Sheegow Macalin Yare Maxamed iyo Dable Maxamed Nuur Aadan Diiriye, waxaana lagu soo oogay dacwad ah amar-diido, inay ciidankooda dhexdooda ku dhex faafinayeen qabyaalad iyo weliba waxaan jirin.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada ee Qaybta 60aad, Gaashaanle Maxamuud Maxamed Iidow ayaa askartaasi ku soo eedeeyay inay baal mareen xeerka ciidamada iyo inay ku dhaqmeen falal anshax xumo.

Taliyaha Ciidanka Xogga Dalka ee Qaybta 60aad, General Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Ciiro) oo fadhiga maxkamadda ka hadlay ayaa Garsooraha ka codsaday inaanan wax naxariis ah loo samayn askartaasi, oo sida uu sheegay ku kacay waxyaabo xaaraan ka ah sida uu yiri ciidanka dhexdooda.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Qaybta 60aad, G/sare Aadan Abuukar Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda, oo ah in askartaasi lagu kala xukumay xabsi u dhaxeeya saddex bilood illaa muddo sanad ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com