Ciidanka Booliska Somaliland ayaa maanta Magaalada Hargeysa ku xirxiray qaar ka mid ah ganacsatada rootiga sameysa, ka dib markii ay ku hanjabeen inay sare u qaadi doonaan qiimaha rootiga la kala siisto.

Barraha bulshada ayaa xalay lagu baahiyay muuqaal muujinaya madaxda foornada rootiga oo isku dhaarsanaya inay kordhinayaan sicirka rootiga, iyagoo markaasi ku andacoonaya sare u kac ku yimid burka laga sameeyo rootiga.
Taliyaha Booliska Somaliland, S/guuto Maxamed Aadan Dabagale ayaa VOA u xaqiijiyay xariga xubnaha ka tirsan ururka ganacsatada ee warshadleyda rootiga.
Wasiir Kuxigeenka Ganacsiga Somaliland, Muuse Ibraahim Salaf ayaa sharci-darro ku tilmaamay in bulshada lagu qaaliyeeyo sicirka rootiga.
Arrintan ayaa saamayn ku yeelanaysa bulshada, haddii rootiga ka mid yahay waxa ugu badan ee dadku ku quraacdaan.
Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in sidoo kale uu sare u kac ku yimid maciishadaha kala duwan, sida baastada, sonkorta iyo caanaha.
In muddo ahba maciishadda ayaa sare u sii kaceysay, maalinba maalinta ka dambeysa, mana cadda sababta ka dambeysa.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com