Kate Foster oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashooyinka (SAWIRRO)

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa galabta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Ingiriiska ee Somaliya, Marwo Kate Foster.

Danjiraha Ingiriiska ayaa Gudoomiyaha Guddiga, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) iyo Afhayeen Axmed Aadan Dagaal (Safiina) kala hadashay caqabadaha ku gadaaman doorashooyinka iyo sida looga gudbi karo.

“Kulanka ayaa looga wada hadlay arrimaha doorashooyinka, caqabadaha ku gadaaman iyo sida looga gudbi karo.” Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Guddoonka Guddiga Doorashooyinka.

Ingiriiska ayaa ka mid ah dalalka daneeya arrimaha Somaliya ee Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku cadaadinaya in wax laga bedelo qaabka ay ku bilaabatay Doorashada Golaha Shacabka, oo qaylo dhaan xoog lihi ay ka timid.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com