Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Warbaahinta madaxabannaan ee dalka ka hawlgasha.
Ra’iisal Wasaaraha oo ammaanay kaalintooda wecyigelinta bulshada ayaa dhanka kale ka codsaday inay door weyn ka qaataan, sidii indhaha shacabka iyo caalamkaba loogu soo jeedin lahaa gurmadka dadka ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira.
Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa dhanka kale Madaxda Saxaafadda uga warbixiyay halka ay marayaan howlaha doorashooyinka dalka, ee uu hormuudka ka yahay, waxaana uu ku celiyay in ay ka go’an tahay in doorashadu ku soo idlaato si nabad ah, sida ugu dhakhsiyaha.
Rooble ayaa 23-kii bishii ina dhaaftay ee November ku dhawaaqay in dalku galay xaalad degdeg ah, oo ka dhalatay abaaraha sii baahaya ee dalka ka jira.


















Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com