Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Adam Abdelmoula (SAWIRRO)

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta qaabilay Kuxigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud Qaramada Midoobey ee Somaliya ahna Isku-duwaha Xafiiska Gargaarka Bani’aadanimada, Adam Abdelmoula.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda bani’aadanimo ee ka dhalatay abaaraha ka jira qaybo ka mida dalka iyo in la sameeyo aragti guud oo lagu maareynao howlaha gurmadka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa Qaramada Midoobey iyo Hay’adaha Caalamiga ahba ugu baaqay inay gacan ka gaystaan dadaalada Dowladda Federaalka ay gurmaka ugu sameynayso dadka ay abaaruhu saameeyeen.

“Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay xaaladda abaareed ee ka sii dareysa iyo sida ay muhiim u tahay in la sameeyo aragti guud oo lagu maareeyo howlaha samafalka iyo isku xirka dadaalada wadajirka ah.” Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Warka ayaa lagu yiri “Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobey iyo Hay’adaha Caalamiga ah inay gacan ka gaystaan ​​dadaalada Dowladda Federaalka Somaliya ay ugu jirto gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.”

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa 23-kii bishii November ku dhawaaqay in dalku galay xaalad degdeg ah, oo ka dhalatay abaaraha sii baahaya ee dalka ka jira.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com