Abiy Ahmed oo markan ciyaaraya qorshe uu cadaadis ku saarayo Mareykanka

Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed oo in muddo ahba ka cabaneysay cadaadiska diblomaasiyadeed iyo fara-gelinta shisheeye ee kaga imaanaysa dalalka uu Mareykanka ugu tun weyn yahay ayaa haatan bilowday qorshe ay cadaadiskaasi ugu weecineyso dhinaca Mareykanka, waana xilli Mareykanka uu dalbanayo in ciidankiisa uu geeyo dalkaasi.

Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa ayaa Isniintii mar kale ku baaqday in muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan dalkaasi ay si degdeg ah uga baxaan. Safaaradda waxay sheegtay inay hadda haystaan fursad ay uga bixi karaan dalkaasi, haddii weli ay shaqeynayaan duulimaadyada ganacsiga. Safaaraddu waxay kaloo sheegtay inaanay hadhow caawin karin muwaadiniinteeda, haddii fursadahaasi ganacsi ay meesha ka baxaan.

Qiyaastii soddon kun oo qof oo muwaadiniin American ah ayaa xilligan ku sugan dalka Itoobiya, waxayse u badan yihiin kuwo asal ahaan Itoobiya ka soo jeeda, waana sababtaasi midda ay uga dhego adeygayaan in si degdeg ahi uga baxaan dalkaasi, waxaana jira muwaadiniin hor leh oo dalkaasi u tegaya fasaxa ciidda Masiixiga.

Afhayeenka Xukuumadda Addis Ababa, Billene Aster Seyoum ayaa dadka reer Itoobiya ee qurbajoogto ah ugu yeertay in dib dalkooda ugu soo laabtaan, maadaama la gelayo sida ay tiri fasaxa Christmas-ka.

Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa ka bilowday olole dalxiis oo loogu gacan haatinayo qurbajoogta, si dalka ugu soo guryo noqdaan.

Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa naawileysa in illaa hal milyan oo qurbajoog ahi ku soo laaban doonaan dalka, ka hor bisha January.

Khubarada amniga ayaa sheegaya inay tani culeys ku keeni doonto Mareykanka iyo xulafadiisa, oo dhinac ka ah Xukuumadda Abiy Ahmed, kana shaqeynaya xasilloonida darrada Itoobiya.

Badqabka muwaadiniinta Mareykanka ayaa waxaa la leeyahay waxay Xukuumadda Washington ku khasbi doontaa inay hoos u dhigto amaba yareyso xiisadda ay ka oogeyso dalkaasi Itoobiya iyo TPLF oo ku garab ah inay farto joojinta colaadda, intii muddo ahba.

Qorshahan ay gadaal ka riixeyso Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa la odorasayaa inay xakameyn doonto Ciidamada Mareykanka ee abaabulka ka wada saldhiyadooda ku kala yaala Jabuuti iyo Kenya.

Mareykanka ayaa mar sii horeysay Dowladda Federaalka weydiistay inay u ogolaato in ciidamadiisu geeyo dalkaasi, si ay u soo daad-gureeyaan diblomaasiyiintiisa kaga sugan, taasoo waxa hadda ka fuli kara ay aad u yar tahay.

Shiinaha oo ah dalka ugu weyn ee maalgashiga ku sameeyay dalka labaad ee Afrika ugu dadka badan ayaa toddobaadkii hore sheegay in uu ka hortaggi doono isku day kasta oo lagu fara-gelinayo dalkan dhaca Afrikada Bari.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com