Rooble oo Safiirka Emirate-ka kala hadlay xiriirka labada dal (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho waxa uu ku qaabilay Danjiraha Emirate-ka Carabta ee dalka u joogga, Amb. Mohamed Ahmed Al-Othman.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dal ee Somaliya iyo Emirate-ka Carabta, oo la fahamsan yahay in muddooyinkii ugu dambeysay uu xumaa.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha ayaa Safiirka kala hadlay, sidii dowladiisa ay gacan uga gaysan laheyd gurmadka dadka Soomaaliyeed, kuwooda ay abaaruhu saaameeyeen.

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Somaliya, Mudane Maxamed Axmed Alcuthman, oo ay ka wada hadleen xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii Dowladda Imaaraadku qayb uga qaadan lahayd gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Rooble.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com