Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo booqasho ku joogga Magaalada Muqdisho ayaa galabta la kulmay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka ee dalka iyo sidii Hirshabelle uga bilaaban laheyd Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu sheegay in sidoo kale ay labada dhinac iska wareysteen xaaladda guud ee Hirshabelle, sida amniga, abaaraha iyo dhibaatooyinka ka dhashay fatahaadaha.
“Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweyne Kuxigeenka ayaa ka wada hadlay xaaladaha guud ee Hirshabelle, sida arrimaha amniga, abaaraha, dhibaatooyinkiii ay gaysteen fatahaadaha iyo doorashooyinka. Kulankan waxaa si gaar ah looga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo in Hirshabeelle ay ka bilaabato Doorashada Golaha Shacabka, si daahfurana u qabsoonta.” Ayaa warka lagu sheegay.




Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com