Hoggaaminta Abiy Ahmed oo miiska dagaalka dhinaca kale u liicisay

Ciidamada Itoobiya ayaa weli guulo ka gaaraya dagaalka ay kula jiraan maleeshiyada daacadda u ah jabhadda TPLF, ee weli ka dagaalamaya qaybo ka mida Gobolka Amxaarada.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo ka hadlayay jiidda hore dagaalka ee gobolkaasi ayaa waxa uu sheegay in cadowga la baabi’in doono.

Abiy Ahmed ayaa Talaadadii sheegay in Ciidamada Difaaca Qaranka ay jabhadda TPLF kala wareegeen magaalooyin ay horey u qabsadeen, oo gobolkaasi ku yaala.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay in Ciidamada Dowladda Federaalka ay khasaaro xoogan gaarsiiyeen kooxaha dagaalka kala soo horjeeda xukuumadiisa, kuwo badana lagu khasbay inay isa soo dhiibaan.

Waxa uu intaasi ku daray in ciidamadiisa ay isku ballaarinayaan goobihii ay TPLF kaga sugneyd gobolkaasi.

Warbaahinta ayaa fahamsan in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dagaalka ay door weyn ka qaadanayaan gulufka militari ee TPLF dib looga saarayo Gobolada Canfarta iyo Amxaarada.

Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed waxa uu wacad ku maray in dagaalkani uu noqon doono, midkii xididada loogu siibi lahaa TPLF iyo hoggaankooduba, sida uu yiri.

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda ayaa dhankiisa sheegay inaysan Ciidamada Federaalka la wareegi lahayn magaalooyinka ay haatan qabsadeen, haddii aanay dagaal-yahanadooda dib u gurasho istiraatiijiyadeed samayn lahayn.

Warka Abiy Ahmed ayaa imaanaya, xilli Hoggaamiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael uu Axaddii ku hanjabay inaanay dagaalka joojin doonin, illaa iyo inta laga aasayo Abiy Ahmed, sida uu yiri.

Dagaalka sanadkii 2aad ka soconaua dalkaasi ayaa waxaa ku dhintay kumanaan qof, iyadoo mallaayiin qof ay ku barakaceen, halka dhowr milyan oo kalena ay xaalad macluul ahi wajahayaan.

Dagaalkan ayaa wiiqay kobacii dhaqaale ee dalka ugu dadka badan Geeska Afrika uu sameynayay wixii ka horeeyay muddada colaadda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com