Shirka hirgelinta qorshaha amniga ee Somaliya oo Muqdisho ka furmay

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya ayaa shaacisay in maanta uu Magaalada Muqdisho ka furmay shirka hirgelinta qorshaha amniga ee Dowladda Federaalka kula wareegeyso amniga qaranka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in shirka lagu dhisi doono Guddiga hoggaaminaya qorshaha ay Villa Somalia damacsan tahay in ay kula wareegto amniga dalka.

“Labada maalmood ee uu socdo shirka waxaa looga hadli doonnaa, sidii Somaliya ay si buuxdo saaxiibadeeda dhanka amniga ugala wareegi lahayd masuuliyadda sugidda amniga dalka, iyadoo sidoo kale shirkan lagu lafa gurayo qiimaynta waayo-aragnimadii laga bartay iyo horumaradii laga gaaray qaybihii hore qorshihii amniga Somaliya (STP), laguna dhisayo qorshe midaysan oo Somaliya dhakhso ugu jihaynaya tubta dhameystirka la wareegidda amnigeeda.” Ayaa lagu sheegay warka.

Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya oo shirka ka hadlayay ayaa sheegay in hirgelinta Guddiga ay caddayn u tahay, sida Dowladda Somaliya ay kaga go’an tahay la wareegidda amnigeeda.

“Howlgelinta Guddigani waxa ay caddayn u tahay, sida ay Somaliya uga go’an tahay la wareegidda amnigeeda qaran. Guddigani waa goobta looga doodayo, lagana jihaynayo qorshaha la wareegidda masuuliyadda amnigeenna qaran. Waxaa la idiinka fadhiyaa inaad qiimayn ku samaysaan waxyaabaha ka hirgalay qaybihii hore ee qorshaha, caqabaha iyo waayo-aragnimada laga bartay, sidoo kalena aad soo gudbisaan tubta dhameystirka qaybaha dambe ee qorshahan.” Ayuu yiri Wasiirka.

Shirkan ayaa imaanaya, iyadoo waqtiga Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Somaliya uu ku egyahay 31-ka bishan December.

Dowladda Somaliya ayaa sheegtay inaanay marnaba aqbali doonin qorsheyaal kale, oo aan ku dhisnayn rabitaankeeda.

Xiriirka Somaliya iyo Midowga Afrika in muddo ahba ma wanaagsanayn, ka dib markii Villa Somalia ay dalbatay inay la wareegto amnigeeda qaranka, Ciidanka AMISOM-na ay dalka isaga baxaan.

Somaliya oo xilli xasaasi ah ku jirto ayaa waxaa suurtagal ah in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu muddada u kordhiyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com