Taliyaha Ciidanka Booliska oo gaaray Jamhuuriyadda Jabuuti (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo wafdi Saraakiil ah, oo uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray dalka Jabuuti.

Taliyaha ayaa Magaalada Djibouti u tegay, sidii uu tababar ugu soo xiri lahaa cutubyo ka tirsan Daraawiishta Booliska, sida lagu sheegay qoraal caawa ka soo baxay Taliska Booliska.

“Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo hoggaaminaya wafdi ka kooban Saraakiil sarsare oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa safar shaqo ku gaaray dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, isaga oo halkaas tababar ugu soo xiri doona dufcaddii 15aad ee Ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed, oo tababar ku qaatay dalka Jabuuti.” Ayaa lagu sheegay warka.

Khubarada Carabinieri-ga Talyaaniga ayaa gacan ka gaysta dhismaha iyo xoojinta Daraawiishta Soomaaliyeed.

Daraawiishta Soomaaliyeed ayaa loo tababaraa xirfadaha hubka, ka hortagga weerarada argagixisada iyo ilaalinta amniga guud ee dalka.

Bishii May ayay ahayd markii dalkaasi tababar loogu soo xiray dufcaddii 14aad ee Ciidanka Daraawiishta Booliska, kuwaa oo 14-kii bishaasina dib dalka ugu soo laabtay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com