Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa caawa Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. James Swan.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay arrimaha siyaasadda, amniga iyo horumarinta bani’aadantinimada ee dalka.
“Wasiirka ayaa Ergayga kala hadlay arrimaha siyaasadda, amniga iyo horumarinta bani’aadantinimada ee Somaliya.” Ayaa lagu sheegay warka.
Warka ayaa lagu yiri “Wasiirka iyo Ergayga waxay ku heshiiyeen in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada muhiimka ah ee horey u socda.”
Waa kulankii ugu horeeyay uu Wasiirku la qaato Amb. James Swan, tan iyo markii xilkaasi loo soo magacaabay 20-kii bishii November.





Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com