Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed oo soo afjaray wejiga 1aad ee dagaalka

Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa Arbacadii dib ugu laabtay Magaalada Addis Ababa, ka dib toddobaadyo uu ku sugnaa furinta dagaalka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay inuu dib ugu laabanayo xafiiska, ka dib markii sida uu sheegay uu si guul ah ku soo afjaray wejiga hore ee dagaalka.

“Waxaan dib ugu laabanayaa xafiiska, maadaama aan si guul leh ku soo afjaray wejiga koobaad ee dagaalka.” Ayuu Ra’iisal Wasaaruhu ku sheegay war ka soo baxay xafiiskiisa.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa 22-kii bishii hore ee November ku dhawaaqay in uu hoggaamin doono dagaalka ka dhanka ah fallaagada, muddadaasi waxaa suurtagashay in kooxahahaasi laga fogeeyo aagga Magaalada Addis Ababa.

Ciidamada Difaaca Qaranka ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeysayo guulo ka gaarayay dagaalka, iyagoona dib uga qabsaday fallaagada, inta badan deegaanada Gobolada Canfarta iyo Amxaarada.

Tan iyo markii uu Abiy Ahmed tegay jiidda dagaalka ayaa waxa uu miisaanka dagaalka u ciiray dhinaca jabhadaha, ay ugu itaalka roon tahay TPLF, laguna khasbay in difaacyadoodii baneeyaan.

Dagaalkan ayaa soo afjaray amnigii iyo xasilloonidii ay Itoobiya ku caano maaleysay tobanaan sano, kagana soocneyd wadamada kale ee gobolka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com