Wararkii ugu dambeeyay xiisadda Magaalada Boosaaso

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in xaalad cabsi ah ay ka jirto magaaladaasi, ka dib markii Madaxtooyada Puntland ay ka hortimid baaqii Odayaasha Dhaqanka ee ahaa in hubka iyo hantida Ciidanka PSF uu gaar u leeyahay Agaasimihii hore ee Hay’adda PSF, loona dayo in uu qaato.

Isimada Puntland ayaa Talaadadii ku teliyay in General Maxamuud Cismaan Diyaano uu qaato hubka iyo hantida PSF-ta, si uu xafiiska u baneeyo.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa Arbacadii lagu sheegay in Ciidanka PSF iyo hantidooda oo isugu jirta hub, gaadiid, guryo iyo agab kaleba ay yihiin hantida Dowladda Puntland iyo shacabkeedaba, iyadoona Agaasimihii hore la faray in sida ugu dhakhsiyaha badan uu u wareejiyo hantida ciidanka, kuna wareejiyo ciidanka iyo Agaasimaha cusub ee hay’adda, S/guuto Maxamed Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr.

Tani ayaa baqdin ku keentay dadka reer Boosaaaso, oo markii horeba ka walaacsanaa xiisadda ka dhalatay xil ka qaadista Agaasime Diyaano iyo diidmadii uu ka muujiyay in xilkaasi uu wareejiyo. Dadka reer Boosaaso ayaa ku sheegaya inay ka baqdin qabaan dagaal ka dhaca magaalada.

Xoogaga PSF oo dhawaan soo baneeyay fariisimihii ay ku lahaayeen duleedyada Boosaaso ayaa fariisimo ka sameystay gudaha magaalada.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Puntland ay heegan gelisay ciidamadeeda, taa oo malaha uu ujeedkeedu daaran yahay in la weeraro ciidamada u daacadda ah Agaasimihii hore ee PSF, haddii uu ku sii adkeysto inaanu xilka wareejin doonin.

Dadaaladii ay Isimada iyo waxgaradka reer Puntland ugu kala dab qaadayeen labada dhinac ayaa u muuqdo kuwo guuldareystay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com