Dooddii Gudoomiye Cabdi Xaashi oo xal laga gaaray

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha la xiriira Doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi, oo Gudoomiye Xaashi uu cabasho ka muujiyay hufnaan la’aanta doorashada.

War ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in xal laga gaaray mad madowgii jiray, leeskuna afgartay in doorashada la sii wado.

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed. Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta howlaha doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Gobolada Woqooyi, iyadoo xal laga gaaray mad madowgii jiray, waxaana la isku afgartay in horey sii wado howsha doorashada.” Ayaa warka lagu sheegay.

Gudoomiye Xaashi ayaa 7-dii bishan amray in hakiyo doorashada 16 kursi, oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi, si loo xaqiijiyo cuqaasha, qoondada haweenka iyo hufnaanta doorashada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com