Rooble oo la kulmay odayaal reer waqooyi ah (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay odayaashan iyo weliba Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi.

Qoraal soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu in Rooble uu Odayaasha Dhaqanka kula dardaarmay in si isu dheelitiran u soo xulaan ergooyinka.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la yeeshay Odayaasha Dhaqanka ee Gobolada Waqooyi ee laf dhabarka u ah soo xulista ergooyinka dooranaya Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa kula dardaarmay in ay si hufan oo isu dheelitiran u soo xulaan ergooyinka dooranaya Xildhibaanada.

Kulanka waxaa ka qaybgalay xubno ka socday Guddiga Maamulka Doorashada Gobolada Waqooyi.”

Kulankan ayaa imaanaya, xilli musharaxiin ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ay sheegeen in dad aanay garanayn lagu soo daray egro dhawaan Magaalada Muqdisho ku soo dooratay tiro kuraas ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com