Wararkii ugu dambeeyay qaraxa ka dhacay Magaalada Jowhar

Ugu yaraan hal nin oo oday ahaa ayaa ku dhintay, dhowr kalena way ku dhaawacantay, ka dib markii maanta uu qarax ka dhacay maqaaxi lagu shaaho oo ku taala Magaalada Jowhar.

Taliyaha Saldhigga Booliska Jowhar, Bashiir Xasan Carabey ayaa sheegay in qaraxa qaab qarsoodiya lagu soo geliyay maqaaxidaasi, isagoona falkaasi ku eedeeyay Ururka Al Shabaab.

“Meel lagu shaaho oo dadka fariistaan ayaa nimankii dhagarqabeyaasha waxay soo geliyeen miino ay daasad ku soo qariyeen. Marka nimankan shacabka colka la ahaa ayaa dhibaatadaas sameeyay.” Ayuu yiri Taliyaha.

“Hal qof ayaa ku dhintay, afar qofna way ku dhaawacantay. Waa dad odayaal ah oo meesha shaah isaga cabayay, dad masuuliyiin ahna way ku jiraan.” Ayuu yiri Taliyaha oo intaa ku daray in dadka dhaawacmay ay laba ka mida yihiin Xildhibaano Baarlamaanka Hirshabelle ka tirsan.

Taliye Carabey ayaa yiri “Qofka dhintay waxa uu ahaa nin nabadoon ah, waa nabadoon dadka meesha ku qarxweynayay ka mid ah. Dhaawacyada waxaa la geeyay Isbitaalka Jowhar, xaaladoodana way fiican tahay.”

Carabey ayaan sheegin cid ay falkaasi u soo qabteen, inkastoo sida uu sheegay ay baaritaan wadaan, iyagoo markaasi ku daba joogga raadadka kuwii qaraxaasi soo maleygay.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan, sida ay ku warantay Idaacadda Andalus oo afkooda ku hadasha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com