Doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi oo la dardargelinayo

Maalin ka dib markii la xaliyay mad madowgii ka jiray hufnaanta Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ayaa Guddiga Doorashada waxa uu shaaciyay xilliga la diiwaangelinayo musharaxiinta iyo ergada soo dooraneysa dhowr kursi.

Jadwal ay soo saareen Maamulka Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi ayaa lagu ogeysiiyay musharaxiinta iyo ergada soo dooraneysa kuraasta kala ah #HOP229, #HOP262, #HOP254 iyo #HOP255, xilliga ay diiwaangelintoodu bilaaban doonto.

Sida ku cad jadwalka diiwaangelinta ergada, tababarkooda, qabashada codsiga iyo xaqiijinta shuruudaha musharaxiinta ayaa bilaaban doonto 13-ka bishan oo berrito ku beegan, waxayna socon doontaa illaa 16-ka bishan.

Guddoonka Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi ayaa horey Magaalada Muqdisho ugu qabtay doorashada sideed kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Sida muuqata Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka dib dhici doonta muddadii loo qabtay in lagu soo geba-gabeeyo, oo ku beegan 24-ka bishan.

Guud ahaan tirada kuraasta Golaha Shacabka ee illaa iyo hadda la doortay waa 24 kursi, kuwaa oo qaarkood buuq uu hareeyay, tiro ka mid ahna la amray in dib loogu noqdo doorashadooda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com