Golaha Midowga Musharaxiinta oo iclaamiyay shirweyne wadatashi

Golaha Midowga Musharaxiinta ee mucaaradka ayaa ku dhawaaqay inay qaban doonaan shirweyne wadatashi, oo ay isugu imaanayaan haldoorka Soomaaliyeed, si loo taaba-geliyo howshaas ayuu goluhu u magacaabay laba guddi oo shaqadaasi qabta.

Warsaxaafadeed caawa ka soo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay in labadaasi guddi kala yihiin Guddiga Qaban-qaabada Shirweynaha iyo Guddiga Amniga Shirweynaha.

Goluhu waxa uu tabasho xoog leh ka muujiyay qaabka ay ku socoto Doorashada Golaha Shacabka, golaha ayaana Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ku eedeeyay inaanay wax dan ahi ka lahayn doorasho hufan oo daahfuran, natiijadeedana la isla aqbalo.

Warsaxaafadeedka oo aan lagu sheegin goorta la qabanayo shirweynahaasi ayaa u qornaa:-

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com