Ina Sharmaarke oo ka hadlay xiisadda ka taagan Magaalada Boosaaso

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay xiisada ka dhalatay xilka qaadistii Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu ku sameeyay Agaasimihii Ciidanka PSF, taas oo ka taagan Magaalada Boosaaso.

Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa uu sheegay in muhiim tahay in si nabad ah lagu dhammeeyo xiisada ka dhalatay xilka qaadista Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano, ayna sahlan tahay arrinta, isla markaana aan loo baahneynin xiligaan dagaal.

Cumar Cabdirashiid oo wareysi siiyay Dalsantv ayaa tilmaamay in suuragal ay tahay in khilaafka u dhexeeya Ciidanka PSF iyo Maamulka Puntland uu saameyn ku yeesho taageerada Ciidamada PSF ka helaan Mareykanka.

Isaga oo sii hadlaayay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayuu sheegay inay aheyd in Ciidanka PSF ay ahaadaan Ciidan hoostega dowladda Federaalka, uuna arrintaas ka shaqeynayey mudadii uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalka iyo sidii loo hoos keeni lahaa dowladda.

Ugu dambayn Cumar Cabdirashiid ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni in wada-hadal iyo nabad lagu dhammeeyo xiisadda taagan saddexda toddobaad.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com