Magaalada Lalibela oo dib u gashay gacanta Tigrayga

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Xoogaga Jabhadda TPLF ay galabta dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalada taariikhiga ah ee Lalibela.

Ciidamada Militariga Itoobiya oo kaashanaya Xoogaga Gobolka Amxaarada ayaa 1-dii bishan la wareegay Magaalada Lalibela, ka dib markii Tigraygu ay qabsadeen bishii August.

Lalibela oo magaalo istiraatiiji ah ayaa ku taala Gobolka Amxaarada. Hay’adda UNESCO ayaa magaaladan u aqoonsatay goob taariikhiya oo dhaxalgala, iyadoona loo dalxiis teggi jiray, ka hor colaadda dalkaasi.

Dadka deegaanku waxay sheegeen in Ciidamada Huwanta ay xalay iyo saakay isaga kala baxeen magaaladaasi, sababo aan la garanayn, waxayna tani dhabaha u xaartay in Tigraygu ay dib ugu soo laabtaan.

Wakaaladda Wararka Reuters oo soo xiganeysa dadka deegaanka ayaa ku warantay in Tigraygu aanay wax rasaas ahi ka ridin magaaladaasi.

Tani waxay imaanaysaa maalmo yar uun ka dib, markii Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed oo dagaalka hoggaaminayay uu Arbacadii dib ugu laabtay Magaalada Addis Ababa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com