Shabaab oo la wareegay Magaalada Matabaan

Maleeshiyada Ururka Al Shabaab ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta Magaalada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Maleeshiyaad ka tirsan Shabaabka oo lugeynaya ayaa gudaha u galay Magaalada Matabaan, iyagoona la wareegay Saldhigga Booliska, Xarunta Degmada iyo kontoroolka qorax u dhac, mana jirin wax iska caabin ah oo ay la kulmeen.

Ciidamadii Galmudug ee ku sugnaa kastamka canshuuraha ee Matabaan ayaa la soo sheegaya in ay u ruqaansadeen dhinaca Magaalada Guriceel.

Shabaab ayaa shalay bilaa dagaal kula wareegay deegaanada Beergadiid iyo Bacda oo hoos-tagga Magaalada Matabaan.

Shabaabka ayaa muddooyinkii ugu dambeysay kordhiyay weerarada ay ka gaysanayaan deegaanada ay Galmudug maamusho.

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa la fahamsan yahay in weerarada Shabaabku kordheen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com