Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Matabaan oo Shabaabku la wareegay

Maleeshiyada Al Shabaab oo maanta la wareegay gacan ku haynta Magaalada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa la soo sheegaya in ay dib uga baxeen magaaladaasi.

Ka hor inta aanay dib uga bixin magaaladaasi ayaa waxay qarax burburiyeen Saldhiggii Booliska ee degmada.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa muuqaalo la soo dhigay barraha bulshada lagu arkayay, iyagoo isugu soo xoomay saldhigaasi.

Shabaabka ayaa Saldhigga Booliska ka qaatay wixii agab iyo raashiin ahaa ee yaalay, sidoo kale waxay Xarunta Degmada ka qaateen dhammaan qalab xafiisyadii yaalay.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ay haatan ku sugan yihiin deegaanka Dhisaqa oo magaaladaasi hoos-tagga.

Matabaan waxaa ku yaala kastamka labaad ee canshuuraha ku qaaddo Galmudug, marka laga soo taggo kastamka ku yaala Koonfurta Gaalkacyo.

Ciidamadii Galmudug ee ku sugnaa kastamkaasi ayaa u ruqaansaday dhinaca Magaalada Guriceel.

Waa markii ugu horeysay oo Shabaabku la wareegaan Magaalada Matabaan, ka dib markii Xoogagii Ahlu Sunna ay saddex iyo toban sano ka hor ka saareen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com