Cali Guudlaawe oo shir guddoomiyay shirka amniga Hirshabelle (SAWIRRO)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga Hirshabelle.

Kulankan oo ay ka qaybgaleen Saraakiil kala duwan ayuu Madaxweynuhu kaga dhageystay warbixin la xiriirta xaaladda amni ee Hirshabelle, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle.

Qoraalka ayaa u qornaa “Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay shirka amniga Dowladda Hirshabelle.

Shirka oo maanta ay ka soo qaybgaleen Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe, Taliyaha Guutada 3aad Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha Madaxtooyada Dowladda Hirshabelle, Taliyaha Nabada Sugidda Hirshabelle, Saraakiil ka socotay Taliska Booliska Hirshabelle, Taliyaha Ciidamada Danab ee Deegaanada Hirshabelle iyo Agaasinka Madaxtooyada ayaa looga hadlay dardargalinta amniga guud ee Hirshabelle.

Madaxweynaha ayaa kulankan warbixino uga dhageystay Saraakiisha Hay’adaha Amniga, isagoo kula dardaarmay xoojinta iyo adkeynta amniga deegaanada Hirshabelle, gaar ahaan Magaalada Caasimadda Jowhar.”

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Hirshabelle ayaa ku soo aadaya, xilli Hirshabelle isu diyaarinayso Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com