Masar oo bedeshay Safiirkii muddada dheer Somaliya ugu magacawnaa

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta nuqul ka mida waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo ka guddooay Danjiraha cusub ee dalka Masar, Maxamed Alsaciid Axmed Albaas.

Danjiraha cusub ayaa bedelaya Safiirkii hore ee Masar muddada dheer ugu magacawnaa Somaliya, waa Danjire Mowlid Ismail.

Safiirka cusub ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyay, markii uu soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Safiirka ayaa Wasiirka u sheegay in uu dadaal gelin doono xoojinta xiriirka diblomasiyadeed iyo wax wada qaybsiga labada dal.

Wasiir Cabdisaciid ayaa dhankiisa Safiirka cusub ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, waxaana u sheegay in Dowladda Federaalka Somaliya ay ku garab istaageyso gudashada waajibkiisa diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com