Ra’iisal Wasaare Rooble oo gaaray Jamhuuriyadda Jabuuti (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray Magaalada Djibouti ee Xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ambouli ku soo dhaweeyay dhiggiisa dalkaasi, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Rooble ayaa lagu sheegay in Ra’iisal Wasaaruhu soo xiri doono shirka sanadlaha Machadka Heritage, oo isniintii shalay ka furmay dalkaasi.

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray Magaalada Djibouti ee Caasimadda Jabuuti, halkaas oo uu ku soo xiri doono Madasha Aragti Wadaagga Heritage.” Ayaa qoraalka lagu sheegay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com