Wararkii ugu dambeeyay Doorashada Golaha Shacabka

Iyadoo Golaha Midowga Musharaxiinta ee mucaaradka uu ka biyo diidan yahay in la sii wado Doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa waxaa muuqata in Guddiga Doorashooyinka ay qabanayaan doorashada kuraasta golahaasi.

Afhayeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) ayaa goor dambe oo xalay ahayd ku dhawaaqay in Guddiga Doorashada Jubbaland uu u soo gudbiyay 14 kursi, oo doorashadooda lagu qaban doono Magaalada Kismaayo.

Maanta oo ugu dambeysay, Maamulka Guddiga Doorashada Golaha Shacabka ee Beelaha Banaadriga ayaa Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal u gudbiyay liiska 5-ta kursi ee ku asteysan kuraasta beelahaasi.

Afhayeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo ka hadlayay kuraasta maanta loo soo gudbiyay ayaa yiri “Anagoo ah Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal waxaanu shaacinaynaa in Maamulka Guddiga Doorashada Xildhibaanada Banaadirigu ay noo soo gudbiyeen shanta kursi ee ku asteysan Beelaha Banaadiriga.”

Afhayeenka ayaa yiri “Waxaan ku wargelinaynaa dhammaan guddiyada soo xulaya kuraasta Beelaha Banaadiriga inay u soo diyaargaroobaan doorashada. Kuraastaas oo kala ah #HOP105, #HOP265, #HOP266, #HOP034 iyo #HOP084.”

Axmed Safiina ayaa Maamulada Puntland iyo Hirshabelle ugu baaqay in si deg-deg ah ku soo gudbiyaan kuraasta ay doorashadoodu qabanayaan.

“Sidoo kale waxaanu ku wargelinaynaa labada guddi maamul ee Dowlad Goboleedyada Hirshabelle iyo Puntland inay sida ugu dhakshiyada badan leh ku soo gudbiyaan kuraasta ay qabanayaan.” Ayuu yiri Axmed Safiina.

Tirada guud kuraasta Golaha Shacabka ee illaa iyo hadda la doortay waa 24 kursi, kuwaa oo qaarkood buuq uu hareeyay, tiro ka mid ahna la amray in dib loogu noqdo doorashadooda.

Sida muuqata Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka dib dhici doonta muddadii loo qabtay in lagu soo geba-gabeeyo, oo ku beegan 24-ka bishan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com