Yaasiin Farey oo kursigiisii loo xalaaleeyay

Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka dadban ayaa go’aan ay maanta kasoo saareen khilaaf ka taagnaa doorashadii kursiga ku-simaha agaasimaha ee hay’adda NISA Yaasiin Farey waxay ku sheegay in hannaanka loo maray doorashada kursigaas ay aheyd mid waafaqsan habraaca doorashada.

“Waxan go’aaminay in hannaanka loo maray doorashada kursiga lambar #HOP067 uu yahay mid waafaqsan habraacii loo dejiyay doorashada dadban ee 2020/2021” ayaa lagu yiri qoraal shan bog ahaa oo kasoo baxay guddigan.

Guddiga Xalinta khilaafaadka ayaa sheegay inay xaqiijin ku sameeyen odayaasha dhaqanka iyo liiska ergada dooratay kursigan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com