Lafta-gareen oo kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Jubbaland

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo Arbacadii shalay gaaray Magaalada Kismaayo ayaa xalay kulan gaar ahi la yeeshay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo weliba midda doorashada.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu Axmed Madoobe kala hadlay 16-ka kursi ee Golaha Shacabka ka tirsan ee deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo, isla-markaana ay si dhow uga wada hadlaan khilaafka ka taagan doorashada kuraastaasi.

Socdaalka Madaxweyne Lafta-gareen ee Magaalada Kismaayo ayaa ku soo aadaya, xilli Guddiga Doorashada Jubbaland uu 13-kii bishan soo gudbiyay 14 kursi, oo doorashadooda lagu qaban doono Magaalada Kismaayo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com