Shabaab oo weerar ka gaystay Degmada Afgooye

Maleeshiyada Ururka Al Shabaab ayaa xalay weeraray Xerada Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin nawaaxiga Buundada Weyn ee Degmada Afgooye.

Weerarka ayaa ku bilowday gantaalaha garbaha laga tuuro oo Shabaabku la beegsadeen xeradaasi, iyadoo ciidamaduna ay iska caabiyeen.

Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen inay maqlayeen noocyada kala duwan ee hubka, oo dagaalkaasi la isku adeegsaday.

Idaacadda Andalus oo afka Shabaabka ku hadasha ayaa sheegtay in weerar culus ay mintidiinta ku ekeeyeen Xerada Ciidanka Xoogga Dalka ee Buundo Weyn.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, lamana soo sheegin waxyeelo dadka rayidka ah ka soo gaartay, illaa iyo hadda inta laga warqabo.

Weerarkan ayaa imaanaya, saacado uun ka dib, markii Taliyaha Guutada 1aad, Qaybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici) uu Arbacadii kormeeray Xeryaha Ciidamada Dowladda ku leeyihiin degmadaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com