Golaha Wadatashiga Qaran oo mar kale ka arrinsaday arrimaha doorashooyinka

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa shir guddoomiyay shir ay aaladda fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka, oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, sida Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

Wejiga hore ee kulanka waxaa warbixin laga dhageystay Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro), kaas oo faah faahin ka bixiyay dib u dhacyada ku yimid jadwalka doorashooyinka, hufnaanta doorashada iyo wada shaqaynta ay uga baahan yihiin Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Waxa kulanka sidoo kale ka qaybgalay xubno metelayay Midowga Musharaxiinta, oo ay ka mid yihiin Madaxweyne hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, Madaxweyne hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kuwaa oo Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ka dalbaday in la saxo khaladaadka ka jira habraacyada doorashooyinka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay hufnaanta doorashooyinka.

Wada hadal iyo fallanqayn dheer ka dib Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka waxa ay isku raaceen in si kama dambeys ah loo dardargeliyo qabashada kuraasta doorashooyinka iyo in Golaha Wadatashiga Qaran uu isugu yimaado kulan dhawaan looga arrinsanayo dhameystirka doorashooyinka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com