Axmed Madoobe oo la kulmay Guddiga Doorashooyinka (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa galabta Madaxtooyada Magaalada Kismaayo kula kulmay xubno ka tirsan Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay in ahmiyad gaar ah la siiyo hirgelinta daahfurnaanta doorashada.

Madaxweynaha ayaa waxa uu xusay in loo baahan yahay in laga faa’iideysto waqtiga iyo fursadaha weli dalka lagaga hirgalin karo doorashooyin lagaga samata bixin karo xaalada taagan ee dhinacyada amniga iyo abaaraha, si loo helo dowlad awood u leh wax ka qabashada arrimahaas mudnaanta u leh bulshada Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa imaanaya, iyadoo Guddiga Doorashada Jubbaland uu 13-kii bishan soo gudbiyay 14 kursi, oo doorashadooda lagu qaban doono Magaalada Kismaayo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com