Shabaab oo la wareegay deegaanka Gadoon oo 35km Dhuusamareeb u jirta

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyada Ururka Al Shabaab ay galabta la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Gadoon ee Bariga Magaalada Dhuusamareeb.

Gadoon oo qiyaastii 35km dhinaca bari kaga toosan Xarunta Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa waxaa la sheegay in Shabaabku ay si nabdoon kula wareegeen deegaankaasi, maadaama aanay jirin ciidamo horey uga joogay Galmudug.

Saraakiil ka tirsan Al Shabaab ayaa dadka deegaanka kula hadlay fagaare ku yaala deegaankaasi, iyagoona weydiistay inay la shaqeeyaan.

Dadka deegaanka ayaa la sheegay inay soo dhaweeyaan imaanshaha Al Shabaab, waana xilli aanay markii horeba Shabaabku ka fogayn deegaankaasi.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Shabaabku ay deegaankaasi ka qabqabteen tiro macalimiin ah, kuwaa oo aan la garanayn halka ay ula dhaqaaqeen.

Gudoomiyaha Degmada Dhuusamareeb, Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qorow) ayaa caawa sheegay in Shabaabku ay dib uga baxeen deegaankaasi.

Gudoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay in Ciidamada Galmudug ay xilligan ku sugan yihiin deegaankaasi, inkastoo aanay jirin cid si madaxbannaan u xaqiijin karta.

Waxay noqonaysaa markii ugu horeysay oo Shabaabku cagta soo dhigaan deegaankaasi, tan iyo markii uu meesha ka baxay Maamulkii Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com