Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo u ambabaxay Magaalada Baydhabo

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Magaalada Baydhabo kaga qaybgelaya munaasabadda sanad guurada 3aad ee ka soo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa xilka madaxtinimada loo doortay 19-kii bishii December ee sanadkii 2018.

Rooble ayaa inta uu Baydhabo ku sugan yahay waxa uu Madaxda Koonfur Galbeed la qaadan doonnaa kulamo lagu dardargelinayo arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com