RW Rooble oo si weyn loogu soo dhaweeyay Baydhabo (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa Garoonka Shaati-gaduud ku soo dhaweeyay Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Baydhabo kaga qaybgeli doona sanad guurada 3aad ee ka soo wareegatay markii la doortay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa xilka madaxtinimada loo doortay 19-kii bishii December ee sanadkii 2018.

Rooble ayaa inta uu Baydhabo ku sugan yahay waxa uu Madaxda Koonfur Galbeed la qaadan doonnaa kulamo lagu dardargelinayo arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com