Guuleed Biixi Cabdi oo loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

Guuleed Biixi Cabdi oo nin dhallinyaro ah ayaa maanta loo doortay inuu noqdo Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Guuleed Biixi Cabdi ayaa noqonaya Xildhibaankii labaad oo Gobolada Waqooyi ka soo jeeda ee maanta lagu doorto Magaalada Muqdisho.

Guuleed Biixi ayaa helay 58 cod, halka labadii musharax ee la tartamayay ay kala heleen Axmed Maxamuud Muxumed 22 cod iyo Cabdullaahi Biixi Xuseen 21 cod.

Doorashada kursiga #HOP255 ayaa noqonaysa tartankii ugu adkaa ee lagu kala calaf qaado.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com