Jaamac Maxamed Askar oo dib loogu doortay xubinimadiisa Golaha Shacabka

Xildhibaan Jaamac Maxamed Askar ayaa mar kale loo doortay inuu noqdo Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Xildhibaan Jaamac Maxamed Askar ayaa maanta ku guuleysatay kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP254, ka dib markii uu tartanka ka haray musharaxii la tartamayay oo lagu magacaabo Aadan Axmednuur Haybe.

Doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi oo maanta dib uga bilaabatay Magaalada Muqdisho ayuu qorshuhu yahay in maanta Muqdisho lagu doorto illaa afar kursi.

Kuraasta kale ee doorashadooda maanta lagu wado inay ka dhacdo Caasimadda Muqdisho ayaa kala ah #HOP262, #HOP229 iyo #HOP255.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com