Xildhibaan Cabdullaahi Cismaan Ducaale oo ku guuleystay kursiga #HOP229

Xildhibaan Cabdullaahi Cismaan Ducaale ayaa noqday Xildhibaankii 4aad ee maanta lagu doorto Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Cabdillaahi Cismaan Ducaale ayaa ku guuleystay kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP229, ka dib markii ay tartanka ka hartay Muna Cali Ibraahim oo lagu waday inay la tartanto.

Ducaale ayaa noqonaya Xildhibaankii 3aad ee maanta dib loogu doorto xubinimadiisa Golaha Shacabka, marka laga soo taggo Xildhibaanada kala ah Jaamac Maxamed Askar iyo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi ayaa soo geba-gabeeyay doorashadii maanta ka socotay Dugsiga Tababarka Booliska ee General Kaahiye, markii la doortay afartii kursi ee la qorsheeyay in maanta doorashadoodu la qabto.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com