Wasiir C/wahaab oo kormeeray Xarunta Safaaradda ee Riyadh (SAWIRRO)

Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada Somaliya, Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo booqasho ku joogga dalka Sacuudiga ayaa kormeeray Xarunta Safaaradda Somaliya ee Magaalada Riyadh.

Wasiirka ayaa waxaa Xarunta Safaaradda ku soo dhaweeyay Safiirka Somaliya u fadhiya dalkaasi, Danjire Saalim Macow Xaaji.

“Howlwadeenada iyo safaaradda waxaa saaran masuuliyad ah inay metelayaan qaranka iyo adeegga muwaadiniinta ku sugan dalkan, waxaan idinku boggaadinayaa howsha wanaagsan ee aad u haysan dalka.” Ayuu yiri Wasiirka oo Shaqaalaha Safaaradda la hadlayay.

Wasiirka ayaa sidoo kale Danjiraha iyo Shaqaalaha Safaaradda kaga mahadceliyay, sida dhow ay ula shaqeynayaan muddada uu ku sugan yahay dalkaasi, oo uu kaga qaybgelayo shirka Wasiirada Shaqada & Arrimaha Bulshada ee dalalka Jaamacadda Carabta.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com