Faah faahin: Dagaalka ka qarxay Magaalada Boosaaso

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan Maamulka Puntland ayaa maanta ka qarxay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Ciidamo u daacad ah Madaxtooyada Puntland iyo ciidanka la dagaalanka argagixisada ee PSF ayaa ka qarxay xaafadaha ku teedsan Dekedda Boosaaso. Is rasaaseyn xoogan oo labada dhinac ah ayaana laga maqlayay xaafadaha Ridwaan iyo Suweto.

Ciidamada ayaa muddooyinkii ugu dambeysay isku horfadhiyay qaybo ka mida magaalada, ka dib markii Agaasimihii PSF, General Maxamuud Cismaan Diyaano uu ka horyimid xil ka qaadista uu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ku sameeyay 24-kii bishii November.

Dadka ku dhaqan xaafadda Ridwaan ayaa isaga barakacaya guryahooda, waxayna gaarayaan xaafadaha kale ee magaalada iyo duuleedyadeedaba.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Xoogaga PSF ay madaafiic xoogan ku garaaceen Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Boosaaso, halkaasoo ciidamadii ku sugnaa qaybtood ay dibadda uga baxeen.

Dagaalka ayaa sidoo kale saamayn ku yeeshay dhadhaqaaqii ganacsi ee magaalada, isu socodkii dadka iyo gaadiidkaba.

Inta warqabo laba qof oo midi uu rayid yahay ayaa dagaalka ku dhintay, halka tiro kalena ay ku dhaawacantay, dhaawacyada ayaana la geeyay goobaha caafimaadka ee magaalada.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya inay waqti hore tahay in macluumaad dhameystiran laga helo khasaaraha kala gaaray ciidamada uu dagaalku u dhaxeeyo.

Duqa Magaalada Boosaaso, Cabdikhani Axmed Ismaaciil oo Warbaahinta la hadlay ayaa ku hanjabay in Ciidanka PSF loogu teggi doono goobaha ay kaga sugan yihiin magaalada.

Duqa Boosaaso ayaa Taliskii hore ee PSF ku eedeeyay inay diideen dadaalo kasta, oo labada dhinac lagu doonayay in loogu kala dab-qaado, iyagoo xiriir la leh sida uu sheegay gacmo shisheeye, ayna ku tala-galeen inay shacabka barakiciyaan, sida uu yiri.

Garabka Maxamuud Cismaan Diyaano ayaan weli ka hadlin dagaalka ka dhacay magaalada iyo eedeymaha loo soo jeediyay.

Si kastaba ha-ahaatee ma jirto cid ku kala dhex jirta labada dhinac, si dagaal hor leh looga baaqsado.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com