Madaxweyne Deni oo degdeg ugu laabtay Garoowe

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta dib ugu laabtay Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha ayaa maalmihii ugu dambeysay ku sugnaa Magaalada Baydhabo, halkaasoo uu kaga qaybgalay sanad guurada 3aad ee ka soo wareegatay, markii xilka loo doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Dib ugu soo laabashada Madaxweynaha ee Garoowe ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli maanta uu dagaal ka qarxay Magaalada Boosaaso.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay ciidamo u daacad ah Madaxtooyada Puntland iyo ciidanka la dagaalanka argagixisada ee PSF, waxaana uu yimid, ka dib markii Agaasimihii Hay’adda PSF, General Maxamuud Cismaan Diyaano uu ka horyimid xil ka qaadista uu Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ku sameeyay 24-kii bishii November.

Inkastoo xaaladda Boosaaso ay haatan degan yahay ayaa waxaa dhanka kale laga cabsi qabaa in dagaal hor leh uu dib uga qarxo magaalada, haddii ciidamadu ay weli is horfadhiyaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com