Madaxweyne Qoorqoor oo booqday Beerta Baydhabo (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo booqasho ku joogga Magaalada Baydhabo ayaa gelinkii dambe ee maanta booqday Beerta Baydhabo.

Madaxweynaha Galmudug oo uu wehliyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa halkaasi kula kulmay qaybaha bulshada.

Dadka uu halkaasi kula kulmay Madaxweyne Qoorqoor waxaa ka mid ah Madaxweyne Kuxigeenkii hore ee Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey).

Beertan oo ku taala Maanya-fuulka Baydhabo ee Bariga Magaalada Baydhabo ayaa ka mid ah goobaha ay dadku u nasashada taggaan, xilliyada fasaxa, waqtina ay ku qaataan.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa Axaddii Magaalada Baydhabo kaga qaybgalay sanad guurada 3aad ee ka soo wareegatay, markii xilka loo doortay Madaxweyne Lafta-gareen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com