Mareykanka oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Boosaaso

Mareykanka ayaa caawa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka maanta ka bilowday Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Qoraal ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa dhinacyada loogu baaqay inay wada hadalada dib u bilaabaan, si loo helo wadiiqo aan dagaal ahayn.

“Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo joojiyo colaadda Boosaaso, laguna soo laabto wada hadal, si loo helo wada-xaajood iyo xal nabadeed.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay sii socoshada dagaalada inay waxyeelo kale u gaysan doonaan Boosaaso iyo dadkeedaba.

“Dagaalada sii socdaa waxay waxyeelo kale u gaysanayaan Boosaaso iyo dadkeeda.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamo u daacad ah Madaxtooyada Puntland iyo ciidanka la dagaalanka argagixisada ee PSF, waxaana uu yimid markii Agaasimihii Hay’adda PSF, General Maxamuud Cismaan Diyaano uu ka horyimid xil ka qaadista uu Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ku sameeyay 24-kii bishii November.

Is rasaaseyn xoogan oo labada dhinac u dhaxeyso ayaa maanta laga maqlayay xaafadaha Ridwaan iyo Suweto, iyadoo dagaalka uu bulshada qaybteed ku khasbay in guryahoodii ka barakacaan.

Xoogaga PSF oo u tababaran la dagaalanka kooxaha argagixisada ayaa waxaa tababara Mareykanka, waxayna laf dhabar u yihiin hay’adaha amniga ee Puntland.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com