Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Golaha Wadatashiga Qaran isugu yeeray shir 27-ka bishan ka furmaya Magaalada Muqdisho.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in shirkan looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka ee dalka.
“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku casuumay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka in ay isugu yimaadaan shir 27-ka bishan December, 2021 ka dhici doona Magaalada Muqdisho, kaas oo looga arrinsanayo dardargelinta geeddi-socodka, toosinta iyo dhammeystirka doorashooyinka dalka.” Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Golaha Wadatashiga Qaranka oo Rooble uu hormuud u yahay ayaa waxaa ku wehliya Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, sida Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com