Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay dagaalka Boosaaso

Faah faahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalka saakay iyo galabta ka kala dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Dagaalka ayaa abaare 4-tii galabnimo ee maanta dib uga qarxay xaafadaha ku teedsan Dekedda Boosaaso, halkaasoo uu saakay dagaalku ka bilowday. Dadka ku haray xaafadahaasi ayaa sheegay inay maqlayeen daryanka sawaxanka ee hubka noocyadiisa kala duwan.

Sida laga soo xigtay goobaha caafimaadka ee magaalada waxaa dagaalka ku dhintay toban qof, halka tobanaan kalena ay ku dhaawacantay, dadkan ayaana isugu jira askar iyo rayid.

General Maxamuud Cismaan Diyaano, Agaasimihii Hay’adda PSF ee ka horyimid xil ka qaadista lagu sameeyay 24-kii bishii November ayaa sheegay inay ku jiraan dagaal iyo is difaac, waxa kaloo uu sheegay inaanay doonayn inay hubkooda u isticmaalaan ciidamada kale ee ka soo horjeeda.

“Waxaan ku jirnaa dagaal iyo is difaac, dalkan waan u soo dagaalanay, mana doonayno inaan hubkayaga u isticmaalno ciidankayna la soo khalday.” Ayuu Maxamuud Cismaan ku sheegay farriin qoraaleed uu BBC u diray.

Maxamuud Cismaan ayaa sidoo kale VOA u sheegay in dagaalka uu yimid, ka dib markii lagu go’doomiyay xaruntooda ku taala xaafaadda Ridwaan, subaxnimadii hore ee saakayna laga soo weeraray dhinaca bari ee badda, ayna iska difaaceen, welina ay fariisimahoodii ku sugan yihiin.

Ciidanka PSF oo u tababaran la dagaalanka argagixisada ayaa daba-yaaqadii bishii November soo baneeyay fariisimihii ay ku lahaayeen duleedyada Boosaaso, iyagoona fariisimo ka sameystay gudaha magaalada.

Mareykanka oo tababaro PSF-ta ayaa caawa ku baaqay in la joojiyo colaadda Boosaaso, dhinacyadana ay dib wada hadalada u bilaabaan, si loo helo wada-xaajood iyo xal nabadeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com