Dagaal xoogan oo maalintii 2aad ka socdo Magaalada Boosaaso

Dagaal culus ayaa waaberigii saaka dib uga qarxay Magaalada Boosaaso, kaasoo daba socdo midkii shalay magaaladaasi ku dhex maray Ciidamada Puntland iyo ciidamada daacadda u ah Agaasimihii hore ee Hay’adda PSF, General Maxamuud Cismaan Diyaano.

Dagaalka ayaa ka socdo nawaaxiga Dekedda Boosaaso, gaar ahaan xaafadda Ridwaan, halkaasoo ay ku taalo Xerada Ciidanka PSF.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Puntland ay isku dayayaan inay go’doomiyaan Xoogaga PSF, oo iyana la soo sheegayo inay iska caabinayaan hujuumka kaga imaanaya ciidamadaasi.

Magaalada iyo deegaanada ka baxsanba waxaa laga maqlayaa hubka xoogan ee dagaalkaasi la isku adeegsanayo, iyadoona xaafadaha ka baxsan goobaha uu dagaalku ka socdo ay madaafiic ku dhacayaan.

Sidoo kale magaalada ayaa waxaa ka soconaya barakac ay sameynayaan dadka deegaanka. Dadka ayaa si guud uga barakacaya xaafadaha magaaladaasi.

Cabdikhani Axmed Ismaaciil, Duqa Boosaaso ayaa Talaadadii ku hanjabay in Ciidanka PSF loogu teggi doono dhismaha qura ay kaga sugan yihiin magaalada, sida uu yiri.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka saaka ka socda magaalada, balse dagaalkii shalay ayaa waxaa ku dhintay toban qof, halka afartan kalena ay ku dhaawacantay.

Dadaalo ay illaa xalay wadeen Odayaasha Dhaqanka iyo Ururada Bulshada Rayidka ayaa u muuqdo kuwo guuldareysatay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com