Qoorqoor oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa galabta dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid.

Madaxweynaha ayaa maalmihii ugu dambeysay ku sugnaa Magaalada Baydhabo, halkaasoo uu Axaddii kaga qaybgalay sanad guurada 3aad ee ka soo wareegatay, markii xilka loo doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ku sii sagootiyay Madaxweyne Lafta-gareen iyo xubno ka tirsan Labada Gole ee Koonfur Galbeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com