Saddex Shabaab oo lagu soo bandhigay Magaalada Jowhar (SAWIRRO)

Ciidamada Dowladda ayaa maanta Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe ku soo bandhigay saddex nin oo dhallinyaro ah, oo ka soo baxsaday Ururka Al Shabaab.

Raggan ayaa si iskood ah isugu soo dhiibay Ciidamada Dowladda, ka dib markii ay xiriir la soo sameeyeen.

Ciidamada Hay’adda NISA ayaa raggaasi ka soo kaxeeyay duleedka magaalada, ka hor inta aan lagu soo bandhigin Xarunta Hay’adda.

Raggan ayaa magacyadooda ku kala sheegay Cabdullaahi Xasan Maxamed, Axmed Cabdullaahi Maxamed iyo Cali Cabdullaahi, waxayna sheegeen inay u dulqaadan kari waayeen dhibaatada ay Shabaabku u gaystaan shacabka.

Cali Xasan Maxamuud (Cali Dheere), Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda ee Degmada Jowhar ayaa dhallinyarada weli ka tirsan Al Shabaab ugu baaqay inay isu soo dhiibaan dowladda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com